Madaxweyne Ruto oo markale Aaden Ducaale ka qaaday xilka wasiirka Difaaca Kenya una magacaabay Wasiirka deegaanka iyo isbedelka Cimilada

|

Nairobi (KAAB TV) – Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto ayaa isbeddel ku sameeyay golaha wasiirrada ee uu dhowaan magacaabay.

Sidoo kale, Wuxuu isku beddelay Wasiirka Difaaca Aadan Barre Ducaale oo loo magacaabay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, halka Haweenayda Soipan Tuya, oo Wasaaradda deegaanka dhowaan loo magacaabay hadda loo beddelay wasaaradda difaaca.

Dhanka kale, Aaden Ducaale, ayaa isbeddelkan si deg deg u soo dhaweeyay, isagoo u mahadceliyay Ruto, balse ma cadda in isbeddelkan uu ku yimid cadaadiska ay gudaha Kenya ku wajahayaan siyaasiyiinta Soomaalida oo haya xilalka ugu sarreeya ee Amniga Kenya iyo haddii isbeddelkan uu ku yimid doonista Ducaale.

Haweenayda hadda qabanaysa xilka Wasiirka difaaca oo ah qareen, Soipan Tuya waxay noqonaysa haweenaydii ugu horreysay ee ka soo jeeda qomiyadda Maasai oo qabata jagada Wasiirka difaaca Kenya.

Macada sababta rasmiga ah ee madaxweyne Ruto uu isbedelkan deg dega uu ugu sameeyay qaar kamid ah golihiisa cusub ee wasiiradda.

Dhowaan ayey aheyd markii uu madaxweyne Ruto uu kala diray golihii wasiiradda kaddib markii ay magaalada Nairobi isqab sadeen dibad baxyo waa weyn kuwaas oo ay dhigayeen shacabka Kenya, kaddib markii ay dowladda Kenya kusoo rogtay canshuur xad dhaaf ah.

Ruto ayaa qaatay go’aan deg deg ah kaddib markii uu garowsaday halka ay wax kajiraan iyo halka ay wax kasocon layihiin, isagoona ugu dambeyn kala diray golihii wasiiradda, haatana soo magacaabay gole wasiiro oo cusub.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News