Buulo Xaaji (KAAB TV) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa sheegay in kooxda Alshabaab jab xooggan lagu gaarsiiyay weerarradii dhawaan ay kusoo qaadeen saddexda deegaan ee dhaca jubbada hoose in ay markale isku dayayaan in ay sameeyaan aargudasho iyo weeraro gaadmo ah.
Sidoo kale, Axmed Madoobe oo booqasho iyo dhiiro galin ugu tagay ciidanka kusugan deegaanka Buulo Xaaji ayaa sheegay in Alshabaab jab xooggan lagu gaar siiyay weerarkii ay kusoo qaadeen Buulo Xaaji, isagoona xusay in ay wali meydadkooda ay waddooyinka daad sanyihiin sida uu hadalka udhigay madaxweynaha.
Dhanka kale, waxa uu sheegay Madaxweynaha in ciidamada looga baahan yahay in ay galaan heegan buuxa una diyaar garoobaan sidii ay uga hortagi lahaayeen weeraro kale oo aargudasho ah oo ay suurto gal tahay in kooxda Al Shabaab mar kale soo qaadaan.
Ugudambeyn, madaxweynaha Jubbaland ayaana sheegay in kooxda Al Shabaab ay hadda qabaan utun ayna suurti gal tahay in aargudasho sameeyaan, waxa uuna ciidamada ugu baaqay in guusaha ay hadda gaareen sii hariyaan una diyaar garoobaan fashilimta weerar kasta ay Al Shabaab soo abaabulaan

