Addis Ababa (KAAB TV) – Dalka Itoobiya qeybo kamid ah dhawaan waxaa ka dhacday musiibo sababtay in ay dhintaan dad ka badan 256-qof , kaddib markii roobab mahiigaan ah oo watay dabeylo ay ka da’ay kuwaas oo sababay in uu dhulka go’ ayna aasmaan dad iyo duunyo.
Sidoo kale, musiibada ka dhacday dalka Itoobiya ayaana sababtay in ay aasmaan ayna dhintaan dad gaaraya 256 qof ay ku jiraan haween iyo carruur, waxaa sidoo kale jiray dad kale oo la badbaadiyay oo musiibadan waxyeelo kale kasoo gaartay.
Dhanka kale, dowladda Itoobiya ayaa shalay oo Jimco aheyd ku dhawaaqday saddex maalin oo baroordiiq qaran ah, waxaana calanka dalkaasi loo dhigay hoos, si loo xasuusto loona xushmeeyo dadkii tirada badnaa ee ee ku dhintay dhul go’ay.
Baroordiiqda ayaana dalka Itoobiya ka bilaabaneysa maanta oo Sabti ah, waxaana deegaanka musiibada ka dhacday dowladda wali ka wadaan howlo samatabbixin iyo gargaar ah, waxaana lala tacaalayaa dadkii ka badbaaday musiibada halkaasi ka dhacday.
Ugudambeyn, deegaanka dhibaatada ka dhacday waxaa gaaray dad badan oo ka murugeysan eheladooda halkaasi ku dhintay, waxaana dadka ku dhintay musiibada laga soo saaray dhoobada hoosteeda , kaddib markii dhulka la go’ay ayna aasmeen.

