Wariye Cali Nuur Salaad oo ugu dambeyn Xabsiga laga siidaayay kadib markii lagu waayay dambi

|

Muqdisho (KAAB TV) – Warar lagu kalsoonaan karo oo goordhaw soo baxay ayaa sheegaya in xurriyadiisa maalmo kaddib uu dib u helay Wariye Cali Nuur Salaad, oo kamid ahaa wariyaasha ka howlgalla magaalada Muqdisho oo maalmo kahor lagu xiray saldhigga degmada Waabari.

Sidoo kale,sida ay wararkuu sheegayaan madaxda dowladda ayaa lagu cadaadiyay in ay xabsiga kasii daayaan Wariye Calinuur Salaad oon la geyn wax maxkamad ah, sidoo kale aysan jirin wax danmbi ah oo lagu soo oogay intii uu xabsiga ku jiray.

Dhanka kale, hay’addo caalami ah oo u dooda xaquuqda saxaafada, siyaasiyiin, odayaal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa dowladda Xasan Sheekh uu hoggaamiyo ku cadaadiyay in xabsiga laga sii daayo wariye Calinuur Salaad.

Sikastaba, Ciidamada booliiska ayaa maalmo  kahor xabsiga dhigay wariye Calinuur Salaad oo kamid ahaa wariyaasha ka howlgala Muqdisho, waxaana wariyahan lagu eedeeyay in uu faafiyay warar been abuur ah, taa aysan dowladda u keenin caddeymo lagu qanci karo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News