Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa soo dhaweeyay heshiis uu ansixiyay Baarlamaanka Turkiga

|

Muqdisho (KAAB TV) – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa soo dhaweeyey qaraarka uu shalay ansixiyay Baarlamaanka Jamhuuriyadda Turkiga, kaas oo la xariira in ciidamada badda ee Turkiga loo diro Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiirka Jaamac ayaa arrintan ku tilmaamay in ay ka dhigantagay tallaabo muhiim ah oo lagu fulinayo heshiiskii iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee horey u dhaxmaray dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

“Turkiga iyo Soomaaliya kama shaqeynayaan oo keliya xasilinta biyaha xeebaha Soomaaliya, laakiin sidoo kale waxay kobcinayaan iskaashi muujinaya sida ay uga go’an tahay nabadda iyo amniga gobolka iyo xoojinta dadaallada lagula dagaallamayo argagixisada, burcad-badeedda, ka ganacsiga hubka sharci darrada ah iyo khataraha kale” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Jaamac.

Sikastaba, heshiiska baarlamaanka Turkiga uu ansixiyeen ayaa khuseeyey iskaashi dhinacyada difaaca iyo dhaqaalaha ah oo ay wada saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya bishii Febraayo ee sannadkan, ayaa ujeeddadiisu ahayd in lagu xoojiyo awoodda difaaca badda Soomaaliya iyo in la dhiso ciidan badeed.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News