Qarax geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud

|

Ceeldheer (KAAB TV) – Wararka naga soo gaaraya degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ,ayaa sheegaya in deegaan hoostaga degmadaasi uu saakay ka dhacay qarax miino oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah.

Sidoo kale, qaraxa miinada ah ayaa ka dhacay deegaanka Gawaan oo hoostaga degmada Ceeldheer, waxaana wararku sheegayaan in qaraxu haleelay gaari ay la socdeen dad rayid ah, waxaana qaraxaasi ku dhintay hal qof , halka qof kalana uu dhaawac kasoo gaaray.

Dhanka kale, qofka ku dhintay qaraxa miinada ee ka dhacay duleedka degmada Ceeldheer ayaa magaciisa lagu sheegay Aways Cali Guure (Butugeey), ninkan dhintay ayaana kamid ahaa dhallinyarada Ceeldheer, waxaana qofka kale ee dhaawacmay xaaladiisa lagula tacaalayaa isbitaal kuyaalla degmada.

Ugudambeyn, ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka oo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay ayaana halkaasi ka bilaabay howlgalo ay ku raadinayaan miinooyin kale oo laga cabsi qabo in kooxda Al Shabaab agaasi ay ku aaseen.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News