Dowladda Soomaaliya oo xabsiga u taxaabtay saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka kadib weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen xeebta magaalada Muqdisho.

|

Muqdisho (KAAB TV) – Dowladda Soomaaliya ayaa xabsiga u taxaabtay dhowr sarkaal oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka taasoo jawaab u ah weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee Al-Shabaab ay ku qaadeen hotelka caanka ah ee xeebta ku yaal ee magaalada Muqdisho habeenkii Jimcaha.

Weerarka oo lala beegsaday Hotelka View Xeebta Liido ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya 35 qof waxaana ku dhaawacmay 126 kale.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ku dhawaaqay xariga raggan, isagoo sheegay in la qaadayo tallaabooyin adag, isla markaana lagula xisaabtamayo Saraakiisha ku sugan agagaarka Xeebta Liido Si kastaba ha ahaatee ma uusan bixin faah faahin ku saabsan tirada askarta la xiray iyo waxa ay yihiin.

Hadalkan ayuu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay ka dib markii uu booqday cisbitaalka Erdogan oo ay ku jiraan qaar ka mid ah dadkii rayidka ahaa ee dhaawacmay. Waxa uu ku nuux-nuux saday in Al-shabaab ay beegsadaan goobaha ay dadka isugu yimaadaan marka lagu jabiyo goobaha dagaalka, si ay u dhibaateeyaan dhalinyarada.

Ra’iisul Wasaare Barre ayaa ku tilmaamay weerarkaas mid waxashnimo ah oo ka soo horjeeda qiyamka diinta iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Wuxuu ku baaqay in si mideysan loo garab istaago dadka dhibaatadu soo gaartay iyo howlaha gurmadka ah ee socda. Sidoo kale waxa uu tacsi u diray ehelada iyo qaraabada uu ka baxay marxuumka, isagoo u rajeeyay caafimaad deg deg ah inta dhaawaca ah.

Weerarkaas kadib, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Barre ayaa kulan deg deg ah oo looga hadlayay amniga Muqdisho ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyagoo ka wada hadlay sidii wax looga qaban lahaa amniga caasimadda.

Bishii Maarso ee sanadkan, dowladda ayaa 16 qof u xirtay weerarkii 14-kii March lagu qaaday hotel SYL oo ku dhow madaxtooyada Muqdisho. Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka Somaliya (NISA), ayaa waxay sheegtay in dadka la soo qabtay uu ku jiro nin lagu soo eedeeyay inuu ka dambeeyay weerarkaasi. NISA ayaa Eedeysanaha muhiimka ah ku eedeysay inuu fududeeyay Tahriibinta Gaadiidka ay Maleeshiyada Al-shabaab u adeegsan jireen Weerarka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News