Khartoum (KAAB TV) – Dalka Sudan waxaa muddo sannad ka badan ka socda dagaal sokeeye oo galaaftay nolosha dad aad u badan, waxaa sidoo kale colaadan ku barakacay boqolaal kun oo qof ,kuwaa oo hadda qaxooti ku ah meelo kala duwan.
Sidoo kale, Colaada dalka Sudan ka aloosan ayaa lagu eedeeyay in ay ku lug leeyihiin dowlado Carbeed, kuwaa oo taageeraya qeyb kamid ah dhinacyada colaada u dhaxeyso ee Milatariga Sudan iyo ciidamada gurmadka deg dega ah.
Dhanka kale, Safiirka Suudaan ee Qaramada Midoobay Al- Harith Idriss ayaa si cad u sheegay in dowladda Imaaraadka ay tahay mida hurineysa colaada Sudan kataagan, waxa uuna ku eedeeyay in Imaaraadka qarash ku bixinaya sii socoshada colaada Sudan.
Dowladda Sudan ayaana ku eedeenaysa Imaaraadka Carabta in ay taageero buuxda siinayaan ciidamada gurmadka degdega ah ee kasoo horjeeda milatariga, Imaaradaka ayaana la sheegay in dhaqaale iyo huba ku taageerayo ciidamada RSF.
Ugudambeyn, Imaaraadka Carabta ayaa beeniyay eedeynta uga timid dowladda Sudan, waxa ayna eedeyntan imaaneysaa xilli marar badan fashilmeen wadahadallo la doonayay in xal loogu helo colaada kataagan dalka Sudan.

