Muqdisho (KAAB TV) – Ammaanka xarunta madaxtooyada Soomaaliya oo ay degan yihiin madaxda dalka ugu sarreysa ayaa aad loo adkeeyay, kaddib markii ay soo baxeen cabsi la xariirta in weeraro argagaxiso ay ka dhici karaan gudaha xarunta madaxtooyada .
Sidoo kale, qaar kamid ah ilaha sirdoonka ayaa laga soo xigtay in ay jiraan cabsi laga qabo in qarax ismiidaamin ah ama weerar toogasho ah ka dhici karaan xarunta madaxtooyada, kuwaa ay geesanayaan kooxo argagaxiso ah oo qaarkood iska dhigaya askar katirsan ilaalada madaxtooyada.
Dhanka kale, Ciidamada ilaalada madaxtooyada Soomaaliya ayaa xalay gabi ahaan joojiyay in la galo ama laga soo baxo xarunta madaxtooyada, waxaana xalay la hakiyay dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo socodka waddooyinka gala madaxtooyada iyo kuwa kasoo baxa.
Xogo kasoo baxay xarunta Xalane ay degan yihiin reer Galbeedka iyo hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in suurto gal tahay in weeraro argagaxiso ka dhacaan koontaroolada laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada iyo qeybo kale oo madaxtooyada kamid ah.
Digniinahan soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya in suurto gal tahay in Al Shabaab weeraro argagaxiso ka fuliso hoteelo iyo xarumo kale oo kuyaalla Muqdisho, waxaana looga digay shaqaalaha Qaramada Midoobay in ay tagaan goobaha ay suurto galka tahay in weeraro argagaxiso ka dhacaan.
Sikastaba, habeenimadii Jimcaha eheed ee toddobaadkii tagay ayaa xeebta Liido waxaa ka dhacay weerar argagaxiso oo ay geesteen kooxda Al Shabaab, kaa oo galaaftay nolosha dad gaaraya 40-qof halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo aad u badan, weerarkan ayaana horey looga digay in uu ka dhici karo xeebta Liido.

