Milatariga dalka Sudan oo sheegay in ay doonayaan in Madaxtooyo cusub ka dhigtaan magaalada Omdurman

|

Khartuum (KAAB TV) – Ciidamada milatariga dalka Sudan oo uu hoggaamiyo General Abdel Fattah al-Burhan, ayaa bilaabay howlgal cusub ay ku doonayaan in ay kula wareegaan magaalada Omdurman, oo ah magaalo weyn oo ku dhaw caasimada Sudan ee Khartuum.

Sidoo kale, war kasoo baxay milatariga Sudan oo lagu baahiyay telefishinka dalkaasi ayaa lagu sheegay in hoggaamiyaha milatariga dalkaasi uu hoggaaminayo howlgal ciidamada kula wareegayaan magaalada Omdurman oo la qorsheeyay in laga dhigo madaxtooyo cusub.

Dhanka kale, ciidamada milatariga Sudan ayaa kusii siqaya magaalada Omdurman oo ay heestaan ciidamada RSF ,waxa ayna ciidanka milatariga doonayaan in magaaladan gacantooda si buuxda u soo gasho si ay saldhig ugu noqoto dowladda milatariga hoggaamiyo ee Sudan

Sikastaba, hoggaamiyaha milatariga dalka Sudan Jeneraal al-Burhaan ayaa tan iyo markii uu ka tagay magaalada Khartoum waxa uu saldhig ka dhigtay magaalada Port Sudan ee bariga dalkaasi, waxa uuna hadda doonayaa in madaxtooyo cusub ka sameysto magaalada Omdurman oo gacantooda ka maqan hadda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News