LUUQ (KAAB TV) – Kadib markii uu soo dhammaaday colaaddii beelaha ee aafaysay degmada Luuq ee gobolka Gedo ee Soomaaliya, Col. Diyaad Abdi Kaliil oo ka tirsan Jubbaland ayaa maanta booqday maleeshiyaadkii beelaha ku dagaallamay degmadaas, wuxuuna faray inay ku dhaqmaan heshiiskii nabadeed ee ay gaareen saddexda beelood ee kala ah: Macalin Weyne, Gabaa Weyne, iyo Reer Xasan oo ka tirsan Mareexaan.
Dagaalkii ka dhacay degmada Luuq ayaa galaaftay nolosha dad badan oo gaaraya darsinno, iyadoo ugu yaraan 700 oo qoysna ay ku barakaceen, kuwaas oo intooda badan wali ku sugan xerooyinka barakacayaasha ee Doolow oo ku taal xuduudda Itoobiya.