Maleeshiyaad hubeysan oo xalay aano Qabiil udilay labo Nin oo kamid ahaa dadka deegaanka ee Baalal-dheer

|

Galgaduud (KAAB TV) – Maleeshiyaad hubeysan ayaa xalay tuulo lagu magacaabo Baalal-dheer oo hoostagta deegaanka Cadakibir ee gobolka Galgaduud, waxa ay ku dileen labo nin oo shacab ah oo kamid ahaa dadka deegaanka, kuwaa oo lagu weeraray guryahooda.

Sidoo kale, wararka ayaa intaas ku darayaan in maleeshiyaad hubeysan aano qabiil u dilay Axmed Wehliye Guure iyo Cabdinaasir Maxamuud Cilmi Mataan , labadan nin ee xalay la dilay ayaana deegaan ahaan kasoo jeeda magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Dhanka kale, maleeshiyaadka dilka geestay ayaa la sheegay in ay goobta isaga baxsadeen waxaana deegaanka dilka ka dhacay laga dareemayaa xiisad ka dhalatay dilkan aadka looga naxay ee xalay loo geestay labada nin ee kamid ahaa dadka caanka ka ahaa deegaanka dilku ka dhacay.

Meydadka labada nin ee xalay la dilay ayaa saakay la geeyay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, waxaana halkaasi la filayaa in lagu aaso, waxaana Cadaado ka socdo kulamo looga arrinsanayo xaaladan soo korortay.

Sikastaba, dhowr habeen kahor ayaa sidaan oo kale deegaan hoostaga gobolka Galgaduud waxaa iyana aano qabiil loogu dilay labo wiil oo walaalo ahaa , kuwaa oo iyana kasoo jeeday deegaan ahaan magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News