ANKARA (KAAB TV) -Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in magaalada Ankara ee dalka Turkiga uu ka dhaco wareeggii labaad ee wada-hadallada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya kaasoo uu gar-wadeen ka yahay Turkiga. Tani waxay daba socotaa wadahadalo bilow ah oo looga gol leeyahay in wax looga qabto xiisadaha gobolka ka taagan.
Warbixin kooban oo laga sii daayay kulanka ka hor, ayaa madaxtooyada Turkiga waxa ay ku muujisay rajada “natiijooyin la taaban karo” oo ka soo bixi doona wada xaajoodyada soo socda. Wadahadalladan ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro xallinta khilaafaadka iyo xoojinta iskaashiga labada dal ee Bariga Afrika.
Mawqifka Soomaaliya waxaa mar kale xaqiijiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo ku nuux-nuuxsaday in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay “iskaashi dhaqaale iyo mid horumarineed” la yeelato Itoobiya. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu carrabka ku adkeeyay in iskaashiga noocan oo kale ah ay tahay in ay ixtiraamaan madax-bannaanida, midnimada, iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, ayna u hoggaansamaan shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah.
Dib u bilaabista wadahadalada Ankara waxay ka tarjumaysaa sida ay Turkigu uga go’an tahay fududaynta wadahadalka iyo raadinta xal nabadeed oo lagu gaaro colaadaha gobolka. Labada dal waxaa laga filayaa inay ka shaqeeyaan heshiisyo isku dheeli tiran danahooda wadaaga ah iyagoo ilaalinaya mabaadi’da madax-banaanida iyo midnimada dhuleed.

