Baledweyne (KAAB TV)- magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa alaga cabsi qabo inuu ku fataho Webiga Shabeelle ee dhexmara kadib markii webiga uu biyo farabadan keenay saacadihii lasoo dhaafay.
Qaar kamid ah dad ku sugan Baladweyne oo la hadlay Warbaahinta ayaa u sheegay in heerkii ugu sareeyay ay gaartay cabsida waxaana dadka kunool hareeha wabiga qaarkood ay bilaabeen inay barakacaan oo aay aadaan deegaano ku dhow magaaladaasi.
Cabsida Fatahadaan ayaa kusoo aadeysa iyadoo seddax bil ka hor ay fatahaad nooceeda horay loo arag ku dhufatay guud ahaan xaafadaha Baledweyne taasoo geysatay khasaare isugu jiray naf iyo maal oo aysan wali kasoo kabsan reer Baledweyne.

