MUQDISHO (KAAB TV) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku eedeeyay Itoobiya inaysan aqbaleyn in dalkiisa uu yahay dal madax banaan.
Waxaana uu dib u soo cusboonaysiiyay weerarkii uu ku qaaday heshiiskii Addis Ababa uu la galay gobol ka go’ay Soomaalida.
“Itoobiya waxay diiday inay Soomaaliya u aqoonsato dal deris ah oo madax bannaan,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Sabtidii mar uu la hadlayay shacabka.
“Ilaa ay aqoonsanayso madax-banaanida Soomaaliya, kama hadli karno bad iyo wax kale toona. Itoobiya waxay ku xad gudubtay sharciga caalamiga ah.”
Horaantii sanadkan, Itoobiya waxa ay Somaliland la saxeexatay heshiis ay ku kireynayso 20 kiiloomitir (12 mayl) oo xeeb ah muddo 50 sano ah.
Taasi waxay siinaysaa Itoobiya – oo ka mid ah waddamada adduunka ugu weyn ee aan bad lahayn – oo muddo dheer la raadinayey ka dib helitaanka badda.
Somaliland – oo si keli ah ugu dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991-kii – ayaa sheegtay in Itoobiya ay beddelkeeda noqon doonto waddankii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada, tallaabadaas oo aanay Addis Ababa weli xaqiijin.
Mareykanka, Midowga Yurub, Shiinaha, Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta ayaa dhammaan ugu baaqay Itoobiya inay ixtiraamto madax-bannaanida Soomaaliya.
Turkiga ayaa xiriirinaya wada-hadallada aan tooska ahayn ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan uu sheegay “horumar la taaban karo” kaddib wareeggii labaad ee wadahadalladii Talaadadii hore.
Wareeg seddexaad ayaa la qorsheeyay Sebtembar 17, sidoo kale Ankara.
Itoobiya oo leh 120 milyan oo qof, waa dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika. Waxa ay raadinaysay marinka badda cas tan iyo markii ay lumisay 1993 markii Eritrea ay ku dhawaaqday madaxbannaani ka dib dagaal tobanaan sano socday.
Somaliland oo ah mid xasiloon marka loo eego gobolka Geeska Afrika intiisa kale, waxa ay leedahay hay’ado u gaar ah, oo lacag u gaar ah soo daabaca, isla markaana samaysa baasabooro.
Laakiin waa sabool oo go’doonsan sababtoo ah maqnaanshaha aqoonsi caalami ah, inkastoo ay ku taal meel istiraatiiji ah oo ku taal marinnada badda cas iyo kan Suweys.

