Shabeellah hoose (KAAB TV) – Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee (NISA) ayaa lagu soo waramayaa in ay howlgal qorsheysan ku dileen sargaal katirsanaa kooxda Alshabaab, kaas oo kooxda uqaadi jiray wax ay ugu yeereen sakaawaad.
Sidoo kale, howlgalkan lagu dilay sargaalkan katirsanaa Alshabaab ayaa waxa lagu magacaabi jiray Maxamed Axmed Dhaqane, howlgalkan ayaana ka dhacay deegaanka Busleey ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Dhanka kale, argaalkan katirsanaa Alshabaab ee dileen ciidanka nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ayaa la sheegay in Al Shabaab u qaabilsanaa qaadista lacagaha baada iyo xoolaha ay Alshabaab ugu yeeraan sakawaadka waxaana ninkan la sheegay in dhibaato badan ku hayay dadka deegaanka.
Ugudambeyn, Ciidanka nabadsugida Soomaaliya ayaa mararka qaar howlgallo qorsheysan oo ka dhan ah kooxda Alshabaab ka fuliya magaalada Muqdisho iyo deegaanno kale oo dhaca gobolada Shabeelooyinka, howlgalkaasi ayey ciidamada ku beegsadaan xubno katirsan Alshabaab oo bartilmaameed ah.

