Faahfaahita Qarixii ka dhacay xaafada Macaani ee degmada Garasbaaley + khasaaraha ka dhashay

|

Muqdisho (KAAB TV) – Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya Qaraxa ismiidaamin ah oo goordhoweyd ka dhacay xaafada Macaanin degmada Garasbaaley ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale,qaraxan ayaa lala eegtay goob ay ku sugnaayeen ciidanka dowladda gaar ahaan ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya.

Dhanka kale, Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa in qaraxa ismiidaaminta ah uu ka dhashay, waxaana goobta qaraxa uu ka dhacay gaaray gaadiidka gurmadka deg dega ah, kuwaa oo goobta ka qaaday askartii iyo dadkii kale ay waxyeeladu so gaartay.

Ugudambeyn, laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaan wali ka hadlin qaraxan goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo khasaaraha ka dhashay, kooxda Al Shabaab ayaana dhankeeda sheegatay masuuliyadda qaraxan  iyada oo ku faantay in khasaaro badan ku gaarsiisay ciidanka NISA.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News