Dagaal xooggan oo udhexeeyo maamulka Koonfur Galbeed & kuwa deegaanka oo ka socda Yaaqbiriweyne

|

Yaaqbiriweyne (KAAB TV) – Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidamo deefaanka ah ayaa ka socda deegaanka Yaaqbariweyne ee hoostaga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale,  ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ayaa weerar ku qaaday ciidamo deegaanka ah oo kasoo jeeda beesha Gaaljecel, kuwaa oo ku sugnaa deegaanka Yaaqbariweyne iyo tuulooyin hoostaga.

Dagaal xooggan oo labada dhinac u dhaxeeya ayaana hadda ka socda deegaanka Yaaqbariweyne, waxa ayna saraakiisha ciidamada Koonfur Galbeed sheegeen in ay weerar ku qaadeen ciidamo isbaaro u dhigtay baabuurta marta waddada u dhaxeysa Wanlaweyn iyo Buurhakaba.

Dhinaca kale Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa ku eedeeyay ciidamada maamulka Koonfur Galbeed in weerar qabiileysan ku qaadeen deegaanka Yaaqbariweyne, waxa uuna xusay in ciidanka macwuusleyda deegaanka iska difaacayaan weerarka lagu soo qaaday.

Ugudambeyn, Xildhibaanka ayaa sheegay in dagaalka khasaaro lagu gaarsiiyay ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ee duullaanka qaaday, waxa uuna xusay in waxii khasaaro iyo dhibaato ah oo halkaasi ka dhaca masuuliyadeeda qaadi doonaan maamulka Koonfir Galbeed.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News