MUQDISHO (KAAB TV) – Qaraxyo xooggan ayaa xalay saqdii dhexe ka kacay suuqa Safa iyo Marwa oo ku yaalla deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxyadan ayaa burbur baahsan ka geystay goobo ganacsi oo badan oo ku yaalla suuqaas, kuwaasoo ku yaalla meel qiyaastii 15-km dhinaca Koonfureed kaga beegan magaalada Muqdisho.
Warar horudhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay ka danbeeyeen weerarka kadib markii ganacsatadu ay raaceen amarka dowladda ee ahaa in xarumahooda lagu rakibo kaamirooyinka CCTV.
Ganacsato dhowr ah oo dukaamadooda ku burburay qaraxyada ayaa sheegay in kooxaha hubeysan ay si toos ah u bartilmaameedsadeen goobahooda ganacsi, iyagoo uga aargoosanaya wada shaqeynta ay la leeyihiin dowladda.
Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la soo dhoobay Suuqa, waxaana ay halkaasi ka wadaan baaritaano ku aadan sida ay wax u dhaceen, waxaana halkaasi ka dhashay khasaaro xoogan oo soo gaaray Ganacsatada deegaanka.

