Ciidamada Booliska Muqdisho oo gacanta ku dhigay darawal cagaf-cagaf ah oo si sharci darro ah u jarayay geedo lagu dhisayo wadada.

|

Muqdisho (KAAB TV) -Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho waxa ay ku xireen Cabdikhani Daahir Shire oo ah darawal cagaf-cagaf ah, kaasi oo si bareer ah u jaray geedo waaweyn, xilli dib u dhis lagu sameynayo waddo muhiim ah oo ku taalla deegaanka Gubta ee degmada Deyniile.

Dhacdadan ayaa caro badan ka dhalisay baraha bulshada, kaddib markii muuqaal laga duubay geedka la jarayay lagu faafiyay internetka.

Booliisku waxay xaqiijiyeen in Shire la horgeyn doono maxkamad awood u leh si loogu soo oogo dacwad. Waxa ay sidoo kale uga digeen muwaadiniinta Soomaaliyeed burburinta dhirta, iyagoo ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay ilaalinta deegaanka.

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada ayaa ku bogaadisay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed sida degdega ah ee ay u soo qabteen, iyadoo tilmaantay in jarista iyo baabi’inta dhirta ay tahay dambi sida uu dhigayo sharciga ilaalinta deegaanka iyo maareynta. Wasaaraddu waxay ku boorisay shacabka inay ilaashadaan deegaanka kana fogaadaan waxyaabaha keeni kara cawaaqib sharci.

Sida ku cad qodobka 48-aad, farqadiisa 2-aad ee sharciga ilaalinta iyo maaraynta deegaanka, jarista ama goosashada khayraadka waa mamnuuc.

Wasaaraddu waxay ammaantay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka dhiidhiyay jarista dhirta, iyadoo xustay in jawaabtoodu ay muujinayso wacyiga sii kordhaya ee arrimaha deegaanka.

Soomaaliya oo ka mid ah dalalka sida aadka ah uu u saameeyay is bedelka cimilada ayaa tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii waxa ay la kulmeysay caqabado waaweyn oo la xiriira dambiyada deegaanka, xaalufinta dhirta iyo sunta lagu daadiyo xeebaha.

Bishii Febraayo 2024, baarlamaanka federaalka ah ee Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare waxay meelmariyeen Sharciga Ilaalinta iyo Maareynta Deegaanka, kaas oo dadka deegaanku ay rajeynayaan in uu noqdo isbeddel lagu ilaaliyo kheyraadka dabiiciga ah ee qaranka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News