Baledweyne (KAAB TV)- Faafaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil ka dhacay magaalada baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan.
Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada soomaaliya oo ku sugnaa bar koontarool oo ku taallo xaafada howlwadaag ee magaalada baladweyne ayaa dilay cabdi wali shiine oo ka mid aha dhalin yarada ku nool magaalada baladweyne.
ila kala duwan oo sugan goobta uu dilka dhacay ayaa u sheegay warbaahinta in uu muran uu soo kala dhaxgalay askariga dilka geystay iyo wilka dhalinyarada ahaa intaas ka dibne askari ka tirsan ciidamada dowlada uu rasaas ku furay.
ma ahan markii ugu horeysay oo askari ka tirsan ciidamada dowlada soomaaliya u dil ka geysto xaafada howlwadaag ee magaalada baladweyne.
ilaa iyo hada ma jirto wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowlada iyo maamulka degmada baladweyne oo ka hadlay dilka magaalada baladweyne loogu geystay cabdi weli shiine oo ka mid aha dhalinyarada baladweyne.