MUQDISHO (KAAB TV) — Ugu yaraan afar qof oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay kadib markii madaafiic lagu garaacay xaafado kala duwan oo ka tirsan caasimadda Soomaaliya, Muqdisho, habeenkii Sabtida.
Dadka ku nool xaafadaha Yaaqshiid, Hamar Jajab, iyo meelaha ku dhow madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa soo sheegay inay maqleen qaraxyo waaweyn oo cabsi iyo jahawareer ku abuuray xaafadahaas.
Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen dad cabsanaya oo gurya u cararaya, iyadoo dhowr madfac ku dhacay agagaarka Beerta Nabadda, halkaas oo dadweyne ay ku sugnaayeen.
Weerarada ayaa cabsi weyn ku reebay dadka, iyagoo isku dayay inay naftooda badbaadiyaan.
Mas’uuliyiinta ayaa weli wax war ah kama soo saarin cidda ka dambeysay weeraradan xalay dhacay.
Weeraradan ayaa ku soo aaday waxyar kadib markii madaafiic kale lagu weeraray garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aden Cadde ee Muqdisho, taasoo sababtay in dadkii halkaas joogay ay baxsadaan.
Inkastoo koox aanay wali sheegan mas’uuliyadda weeraradan ugu dambeeyay, haddana kooxda Al-Shabaab ayaa horay weeraro noocan oo kale ah uga geysatay Muqdisho.