BELEDXAAWO (KAAB TV) – Guddoomiyaha degmada Beledxaawo, ee gobolka Gedo ayaa soo saaray baaq deg deg ah oo ku saabsan xiisad dhowaanahan ka taagneyd degmada oo ka dhalatay weerar ay koox hubeysan ku dhaaweceen dhallinyaro ciyaartoy kubbada cagta ah.
Weerarka ayaa ka dhashay muran ku saabsan garoomo lagu ciyaaro kubbadda oo ku yaalla degmada Beledxaawo.
Dhacdada ayaa keentay in qoysaskii ay kasoo jeedeen dhallinyarada dhaawacantay ay ku hanjabeen “aargoosi”.
Waxaa weerarkaasi xigay in qarax ay fulisay kooxda Shabaab uu khasaare ka geystay degmada Beledxaawo.
Guddoomiyaha degmada Baladxaawo, Cabdicasiis Xareed, ayaa shacabka ugu baaqay inay is dejiyaan oo ay ka shaqeeyaan nabadgelyada iyo wada noolaanshaha bulshada. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in wadajirka bulshada uu muhiim u yahay xasiloonida iyo amniga deegaanka.
“Dhalinyarada Baladxaawo waxay wajahaan shaqo la’aan. Waxaan u baahan nahay inaan maalgashadayaasha iyo hay’adaha samafalka soo jiidano. Waxaan u baahan nahay dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland inay halkaan xarun ka sameeyaan. Laakiin kaliya dadka Baladxaawo ayaa taas suurtagal ka dhigi kara,” ayuu yiri Hared, isagoo ugu baaqay dadka deegaanka inay ka qeyb qaataan sugidda amniga iyo xasiloonida.
Baaqan ayaa kusoo aadaya xilli muhiim ah, iyadoo magaalada ay la daalaa-dhacayso amni darro iyo caqabado dhaqaale, iyadoo dooneysa taageero ay ka hesho dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland.