Beled Xaawo (KAAB TV) -Waxaa Maanta degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa askari dowlada katirsan ay xabado isu mariya laba dhalinyaro ah.
labada will ee dhaawacmay ayaa midkood qaba dhaawac culus.
Waxaa lagu kala magacaabaa Cabdiwahaab Xaaji Isaaq Iyo Mowliid Maxamuud Maaw.
Cabdiwahaab ayaa sida la sheegay waxay rasaasta ka haleeshay dhuunta, halka Mowliid ay dhexmartay caloosha.
Askariga rasaasta riday oo magaciisa lagu soo koobay Farxaan ayaa la sheegay xabadda ay ka fakatay, islamarkaana uu maleynaayay in qoriga uu wato aysan xabad dhuunta u fadhinin.
Wiilasha ayaa dhaawacooda loola cararay Isbitaalka Magaalada dariska ee Mandheera.
Dhacdooyinka noocaan ah ayaaana ku soo badanaya degmada Beled Xaawo.
Dhawaan ayay ahayd markii askar boolis ah xabado ku fureen laba dhalinyaro oo ciyaartooy kuwaas oo midkood dhaawac culus oo lugta looga jaray uu kasoo gaaray. Dhaawacyada dhallinyaradaasi ayaa hadda lagu daweynayaa Muqdisho.
Mana jirto illa hadda wax talaabo oo ay qaadeen laamaha amniga qaybahooda kala duwan oo ku adaan dhacdadaas.