MUQDISHO (Kaab TV) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo muddo bil si aan toos ahayn uga socday Muqdisho, iyadoo ay ka maqan yihiin dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa caawa la soo gabagabeeyay.
War myurtiyeed ka kooban labo bog ayaa laga soo saaray, kaasoo lagu sheegay in doorasho qof iyo cod la qaban doono, iyo in waqtiga loo kordhiyay Maamul Gobolleedyada hadda waqtigu ka dhammaaday ee Galmudug, Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed.
Waxaa shirkaan ka maqan madaxda Puntland iyo Jubbaland, waxaana war murtiyeedka lagu daray in madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe uu ka qeybgalay walow furitaanka uu joogay ka dibna uu isaga baxay ka dib khilaaf xooggan oo soo kala dhexgalay isaga iyo Xasan Sheekh Maxamuud.
Su’aasha ugu weyn ee hadda taagan ayaa ah sida ay ku suuroobi doonto doorasho heer dowlad goboleed iyo mid toos ah iyadoo aan loo dhameyn go’aannada, iyo iyadoo xaaladda amni ay aad u cakiran tahay oo meelo badan oo dalka ka mid ah ay weli ka taliyaan Al-Shabaab.
Waxaa sidoo kale aan caddeyn sida guddi doorasho oo hal meel laga soo magacaabo uu u qaban karo doorasho dowlad goboleed oo inta badan dowladda federaalka ka talinin.
Dadka odorosa amniga iyo siyaasadda Soomaaliya ayaa walaac ka muujinaya in go’aanadan ay uga sii dari karaan xaalka horeba u cakirnaa ee Soomaaliya, siina kala fogeyn doono Muqdisho iyo maamul gobolleedyada.
Dhanka kale, Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore Sheekh Shariif ayaa durba diiday go’aanadan caawa soo baxay, kana digay in madaxweyne Xasan Sheekh uu qaadi doono “mas’uuiyadda ku cadgudubka dastuurka dalka iyo kan maamul gobolleedyada.”