MUQDISHO (Kaab TV) – Xildhibaanada Jubbaland ee uu Madaxweyne Axmed Madoobe u yeeray ayaa la soo wariyay in loo diiday inay ka baxaan magaalada Muqdisho.
Hase yeeshee, xildhibaanada Jubbaland ayaa maanta sheegay inay u safri doonaan Kismaayo ayna aqbaleen u yeerista Madaxweynaha Jubbaland.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa shalay u yeeray xildhibaanada matala Jubbaland ee ku jira dowladda federaalka Soomaaliya.
Xildhibaan Xasan Yare ayaa sheegay in ka badan 40 xildhibaan ay diyaar u yihiin inay u safraan Kismaayo. Horay ayaa xildhibaanada baarlamaanka ee Puntland u safreen iyagoo dib ugu laabtay Garoowe si ay wadatashi u sameeyaan.
Xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa weli cakiran, iyadoo lagu muransan yahay doorashada 2026.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu eedeynayaa inuu doonayo inuu xilliga kororsado, halka dadka qaarkood ay dhaliilayaan maamul goboleedyada.