SO | EN

SO | EN

Dib u doorashada Donald Trump iyo siday u saameyn karto Soomaaliya

|

Donald Trump waa mucjiso. Hadda waa 78 jir wuxuuna markii labaad noqonayaa Madaxweynaha Mareykanka. Taariikhda Mareykanka waa ninkii labaad oo kursiga madaxtinnimada qaata labo jeer oo aan isku xigin.

Wxuuna hadda noqonayaa madaxweynihii 47aad. Wuxuu xafiiska la wareegi doonaa 20ka Jannaayo 2025.

Trump ugu yaraan hal mar ayuu ka badbaaday isku day dil, markalana waxaa meel u dhow goob uu joogay lagu qabtay qof hubeysan.  Intaas kaliya ma aha, wuxuu wajahayaa fadeexado dhowr ah oo hareeyay shakhsiyaddiisa, qaar waa loo maxkamadeeyay, denbi lagu heley. Haddana wuxuu ka ballansan yahay maxkamad saddex toddobaad gudahood.

Hase ahaatee wuxuu ku guuleystay inuu dadweynaha Mareykanka ka dhaadhiciyo inay doortaan mar labaad. Kaaga sii daran e wuxuu ka guuleysanayaa musharax Kamala Harris oo hadda talada waddanka uu hayo xisbigeeda Dimuqraadiga.

Trump iyo Soomaaliya

Haddaba, maxay dib u doorashada Donald Trump uga dhigan tahay Soomaaliya iyo Soomaalida?

Dadka u coddeyay Trump waxaa ku jira Soomaali badan oo reer Mareykan ah. Inuu ku ol’oleeyay inuu tarxiilaayo soo galootiga sharci darrada iyo inuu ka joojinaayo kaalmada magangalyo-doonka ay ka helaan Dowladda Mareykanka, ka sokow Trump wuxuu sidoo kale rabaa in la yareeyo hawlgallada Mareykanka ee Soomaaliya iyo Afrika.

Sannadkii 2020, Trump wuxuu Soomaaliya kala baxay 700 askari oo ciidamada Mareykanka ee tababarka iyo taakuleynta siin jiray ciidamada Danab.
Sannadkii 2020, Trump wuxuu Soomaaliya kala baxay 700 askari oo ciidamada Mareykanka ee tababarka iyo taakuleynta siin jiray ciidamada Danab.

La-dagaallanka Argagixisada iyo Amniga

Sannadkii 2020, Trump wuxuu Soomaaliya kala baxay 700 askari oo ciidamada Mareykanka ee tababarka iyo taakuleynta siin jiray ciidamada Danab ee dagaalka kula jiray Al-Shabaab, inkastoo madaxweyne Joe Biden uu dib u soo celiyay sannadkii 2022.  Waxaa laga yaabaa in tallaabadaas oo kale uu markale qaado madaxweyne Trump taasoo saameyn ku yeelan karta howlgallada ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan kooxo sida Al-Shabaab.

Talaabadani waxay la micno noqon kartaa in saraakiisha Mareykanka ee taageeraya ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo ATMIS ay sii yaraan doonaan.

Xukuumaddii Trump waxay diiradda saaraysaa la-dagaallanka argagixisada, waxayse u badan tahay inay sii waddo duqeymaha bartilmaameedsan ee Al-Shabaab iyo Daacish, balse Trump ma doonaayo caawimaad waqti-dheer oo loo fidiyo xoogagga amniga Soomaalida. Tani waxay caqabad ku noqon kartaa ciidamada Soomaaliyeed oo isku diyaarinaya inay si buuxda u qaataan mas’uuliyadda amniga ka dib bixitaanka ATMIS (oo hadda loo bixiyay AUSSOM).

Gargaarka Bani’aadamnimo

Aragtida maamulka madaxweyne Trump ee ku aadanaa gargaarka Mareykanka ku bixiyo dibadda wuxuu ahaa mid xadidan, wuxuuna horey hoos u dhigay maalgelinta Mareykanka ee barnaamijyada caalamiga ah.

Soomaaliya oo aad ugu tiirsan gargaarka dibadda oo malaayiin ruux noloshooda ku xitan tahay, haatana ay jiraan dhibaatooyinka isbeddelka cimillada, colaado iyo dhaqaale darri baahsan, waxay wajihi kartaa hoos u dhac ku yimaada gargaarka bani’aadamnimo ee Mareykanka. Yaraanshaha gargaarkani wuxuu khatar galin karaa sugnaanta cuntada, daryeelka caafimaadka, iyo adeegyada aas aasiga oo hadda ay helaan carruurta, haweenka iyo barakacayaasha.

Guud ahaan siyaasadda Mareykanka ee Afrika waa mid ku kooban dhanka la dagaalanka argagixisada iyo yareynta is ballaarinta Ruushka iyo China, dalal kooban ayayna arrintan xulufo kala yihiin. Markay timaado waddamada Geeska Afrika (oo ay ku jirto Soomaaliya, Itoobiya, Eritrea iyo Suudaan), Mareykanka waxaa muhim weyn u leh Kenya oo ay xaaladda kala socdaan, dhowaana ay la galeen heshiis xulufeysi oo muhimad weyn leh, waxaana suuragal ah in Trump uu sii adkeeyo xulufeysigaasi.

Siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka aalaaba isma bedesho wax weyn, balse waxay hadda u muuqataa in madaxtooyada Trump ay diiradda saareyso ka hortagista loollan saameynta China ku yeelaneyso Afrika, taasi ayaana laga yaabaa in ay indhaha ka weeciso kaalmooyinka iyo hawlgallada Mareykanka ee gudaha Soomaaliya – gaar ahaan la dagaalanka Al-Shabaab.

Weli ma cadda waxa uu Trump ka yeeli doono muranka ka dhex taagan Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku saabsan heshiiska MOU-ga Somaliland la gashay Itoobiya kaasoo dhanka kale hadalheyntiisu sii socon doonto arrinta Badda Cas ka taagan darteed iyo weerarada Xuutiyiinta oo lagu kabay halista Israa’iil kaga imaaneysa dhanka Badda Cas.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News