MUQDISHO (Kaab TV) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa dib u magacaabay Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka, fiidnimadii Axadda.
Magacaabistiisa ayaa timid iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha iyo xasillooni darrada siyaasadeed ee Soomaaliya.
Odowaa, oo laba sano ka maqnaa saaxada milateriga, isla markaana aysan isku fiicneyn dowladda Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hadda kusoo laabtay, taasoo dhalisay su’aalo ku saabsan ujeedada magacaabistiisa.
Dhawaantan, Jubbaland ayaa xiriirka u jartay dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana warbixinno soo baxay ay muujinayaan in ammaanka Kismaayo la adkeeyay, iyadoo la sheegayo in ciidamada la isu diyaarinayo.