Muqdisho (KAAB TV) – Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa dilay ugu yaraan 304 ka tirsan argagixisada Al-Shabaab howlgal ka dhan ah kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida labadii bilood ee la soo dhaafay, sida ay saraakiishu sheegeen Talaadadii.
Howlgalladan oo inta badan ay fulinayeen ciidamada nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA oo ay kaabayaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa caalamiga ah ayaa ka kala dhacay gobollada dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka.
Hay’adda Nabadsugida ayaa sheegtay in howlgal ay ciidanku ka sameeyeen agagaarka deegaanka Yaaqle ee gobolka Shabeellaha Dhexe ay ku bartilmaameedsadeen xubno ka tirsan kooxda argagixisada ah, ayna ku dileen ugu yaraan 27 ka mid ah argagixisada, in ka badan 30 kalana ay ku dhaawaceen.
“Howlgalkan oo ka mid ah howl-gallada nadaafadeed ee argagixisada ayaa weli ka socda deegaankaas, waxaana lagu bartilmaameedsanayaa haraadiga xubnaha Khawaarijta ah ee aan ka niyad jabin dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. kuwaasoo Al-Shabaab ku tilmaamay Khawaarij.
Tuulooyinka la xoreeyay
Hay’adda ayaa sheegtay in dadka shacabka ah lagu wargelinayo in ay ka fogaadaan goobaha ay kooxdaasi ka howlgasho.
In ka badan 100 ka mid ah argagixisada Al-Shabaab ayaa lagu dilay tiro badana waa lagu dhaawacay howlgallada noocaan oo kale ah oo ka dhacay Bida Ciise iyo Geriile oo hoostaga degmada Ceeldheer ee Galmudug oo horaantii bishii October laga saaray, sida uu sheegay taliyaha difaaca Soomaaliya.
In ka badan 95 argagixisa ayaa lagu dilay isla bishaas 7 tuulo ayaa laga xoreeyay howlgalo ka dhacay Shabeellaha Dhexe, Galgaduud iyo waqooyiga iyo bartamaha gobolka Mudug.
In ka badan 59 argagixiso iyo afar askari ayaa lagu dilay laba hawlgal oo milatari oo Soomaaliya ka dhacay bishii Oktoobar, 50 al-Shabaab ah ayaa lagu dilay intii u dhaxaysay November 12 iyo December 3, tirada guud ee argagixisada la dilay 304.
Amaan daro aafaysay
Askarta dowladda, maleeshiyaadka iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa wadeen howlgalo joogto ah oo ka dhan ah kooxda xagjirka ah tan iyo 2022-kii.
Soomaaliya ayaa sanado badan waxaa hareeyay amni darro, iyadoo khataraha ugu badan ay ka imaanayaan Al-Shabaab iyo kooxaha argagixisada ah ee Daacish/ISIS.
Tan iyo 2007, al-Shabaab waxa ay dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya iyo howlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) – oo ah howlgal dhinacyo badan leh oo uu oggolaaday Midowga Afrika oo uu u xilsaaray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Kooxda argagixsada ayaa kordhisay weerarada tan iyo markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay “dagaal dhan walba ah” oo ka dhan ah kooxda.