SO | EN

SO | EN

Kaab Podcast: Dhimashada hooyada iyo dhallaanka xilliga umusha iyo saameynta gudniinka

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Qeybta 2aad ee Kaab Podcast toddobaadkan waxaan ku soo qaadanay xaaladda dhimashada hooyada iyo dhallaanka waqtiga umusha iyadoo sababta ay tahay gudniinka fircooniga ee gabdhaha oo aad ugu badan Soomaaliya.

Soomaaliya waa waddan ay ka jirto mid ka mid ah tirada ugu badan ee dhimashada hooyooyinka umul caalamka oo dhan.

Tusaale ahaan, Sanadkii 2020, hay’adda caafimaadka adduunku waxay diiwaangalisay 621 dhimasho hooyooyin umul raacay oo ka dhacday ka dhacday Soomaaliya.

Tiradan waxay u dhigantaa in 100,000 dhalmo ah ay 621 ka mid ah dhintaan, taas oo muujinaysa xaalad adag ee ka taagan caafimaadka hooyada.

Dhibaatooyinkan waxaa sabab u ah helitaanka adeegyada caafimaadka oo xaddidan, adeegyada hooyada umusha ah oo liita, iyo dhibaatooyinka ka dhasha Gudniinka Gabdhaha.

Waxaa socda dadaallo lagu xallinayo caqabaddan, oo ay ku jiraan wacyigelin ku saabsan khatarta Gudniinka Gabdhaha iyo horumarinta adeegyada caafimaadka hooyada, balse weli waxaa loo baahan yahay dadaal dheeri ah si loo wanaajiyo nolosha haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed.

Kaab Podcast waxaan ku wareysanay Sahro Maxamed Axmed, oo ah gabar umuliso ah oo ka hawlgasha xarunta hooyada iyo dhallaanka ee Caawiye oo ku taalla magaalada Muqdisho.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News