SO | EN

SO | EN

Soomaaliya iyo Itoobiya oo wadahadalo ku yeeshay magaalada Addis Ababa

|

Addis Ababa (KAAB TV) – Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa maanta kulan laba geesood ah la yeeshay dhiggiisa Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda  Itoobiya, Danjire Mesganu Arega.

Sidoo kale, kulanka, labada Wasiir ayaa waxaa looga wada hadlay go’aankooda ku aaddan in la xoojiyo wadahadalka iyo xiriirka shaqo ee labada dal, iyagoo sidoo kale ballanqaaday ilaalinta madax bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee dalalkooda.

Wadahadalka ayaa la qabtay iyada oo lagu salaynayo Baaqa Ankara ee 11-kii December 2024, iyo qaab dhismeedka fulinta qodobadiisa.

Dhanka kale, Wasiiru Dowlaha Arrimaha dibadda Cali Balcad ayaa muujiyay dareenka cabashada iyo cambaareynta ficillada Ciidanka Itoobiya ee ka dhacay Doolow ee gobolka Gedo.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya, Danjire Mesganu Arega Dhankiisa ayaa ka jawaabay isagoo muujiyay sida ay dowladda Itoobiya diyaar ugu tahay in garab istaaga dowladda Soomaaliya,

Ugudambeyntii, kulanka ayaa lagu soo gaba gabeeyay in laga wada shaqeeyo ilaalinta nabadda iyo amniga gobolka, iyada oo lala dagaallamayo argagixisada, iyo sidoo kale xoojinta xiriirka labada dal si la isku waafajiyo dadaallada hirgelinta buuxda ee Baaqa Ankara, kaas oo ah tallaabo wanaagsan oo lagu xallinayo khilaafaadka u dhexeeya labada dal tan iyo Janaayo 2024.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News