SO | EN

SO | EN

Taliyaha guud ee maamulka Suuriya oo ku dhawaaqay in lakal diray kooxihii qeybta ka ahaa kacdoonka

|

Suuriya (KAAB TV) – Maamulka cusub ee la wareegay xukunka dalka Suuriya, ayaa ka shaqeenaya wanaajinta sumcadooda, waxa ayna hadda bilaabeen sidii meesha looga saari lahaa maleeshiyaadkii xukunka ka riday Bishaar Al- assad.

Sidoo kale, Taliyaha guud ee maamulka Suuriya, Axmed Al Sharac ayaa shalay ku dhawaaqay in la kala diray dagaalyahannadii ka qeybqaatay kacdoonkii xukunka looga tuuray Bashaar Al-assad, kaddib kulan uu la qaatay hoggaamiyayaasha kooxihii ka qeybqaatay howlgalkii militari ee lagu soo afjaray maamulka kontonka sanno xukumayay Suuriya ee reer Assad.

Dhanka kale, Al Sharac, wuxuu sheegay in ciidankii qeybta ka ahaa howlgalka iyo hoggaamiyayaashooda lagu biirin doono ciidanka militariga Suuriya, oo la hoos geeyay wasaaradda difaaca Suuriya.

Axmed Al Sharac ayaa u mahadceliyay kooxihii kacdoonka ka qeyb qaatay naf hurnimadii ay sameeyeen, waxa uuna xusay in la joogo xilligii la qarameyn lahaa maleeshiyaadka una noqon lahaayeen ciidan nidaamsan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News