GAROWE (Kaab TV) – Madaxweyne ku Xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa ku dhiirigaliyay ganacsatada inay maalgashi ku sameystaan Puntland.
Wuxuu sheegay in haddii buuralayda Golis laga sifeeyo kooxaha argagixisada in Puntland ay heli doonto maalgashiyo caalami ah muddo afar sano gudahood ah.
Isagoo la hadlayay ganacsatada ka qeyb gashay xaflad ay qabteen maamulka IHS oo dhisaya isbitaalka ugu weyn Puntland ayuu Madaxweyne ku Xigeenku sheegay in ay Garowe noqon doonto caasumad Daarood.