SO | EN

SO | EN

Wasiir arrimaha gudaha DF oo shaaciyay habka ay udhaceyso doorasho qof iyo cod ah

|

Dhuusamareeb (KAAB TV) – Wasiirka Arrimaha Gudaha DF Xildhibaan Cali Yuusuf (Cali Xoosh) iyo masuuliyiin kale oo xalay magaalada Dhuusamareeb kulan kula yeeshay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka deegaanada Galmudug.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa odayaasha lawadaagay in dowladda federaalka Soomaaliya ay diyaarisay shuruucda iyo habraacyada doorasho qof iyo cod ah, isla markaana iyadoo kaashanaysa Dowlad Goboleedyada ay awoodda maamulka dalka dib ugu celineyso shacabka Soomaaliyeed oo ay si dimuqraadiyad ah u soo dooran doona hoggaankooda.

“Waxaan diyaarinnay oo aan meelmarinnay dhammaan Xeerarka gundhigga u ah in ay dalka ka hirgasho doorasho qof iyo cod ah, kuwaas oo kala ah; Xeerka dhisidda GMDQS, Xeerka Ururrada Siyaasadda & Xisbiyada JFS iyo Xeerka Doorashooyinka Qaranka, sidoo kale Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dhistay Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka Iyo Sohdimaha oo loo dhamaystiray dhammaan waxyaabaha ay ku shaqayn lahaayeen,” ayuu kulankaas ka yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Dhanka kale, odayaasha dhaqanka ee deegaanada Galmudug ayaa kulankaas ka sheegay inay diyaar u yihiin in ay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, si shacabka Soomaaliyeed ay u soo doortaan hoggaanka dalkooda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News