SO | EN

SO | EN

Puntland oo taageero u dalbatay dagaalka Daacish

|

BOOSAASO (Kaab TV) – Golaha Wasiirrada Puntland ayaa Khamiistii kulan ku yeeshay magaalada Boosaaso, oo ah magaalo deked leh oo ku taalla gobolka Bari. Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray hawlgalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee Daacish.

Dowladda Puntland ayaa ku baaqday gurmad degdeg ah oo isugu jira mid milatari iyo mid bani’aadamnimo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax, Wasiirka Warfaafinta Maxamuud Caydiid Diriir, iyo Wasiirka Maareynta Arrimaha Bani’aadamnimada Ubax Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa warbaahinta la hadlay.

Waxay sheegeen in dagaalka ka dhanka ah argagixisada uu yahay waajib caalami ah oo u baahan iskaashi iyo taageero caalami ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News