SO | EN

SO | EN

Shabakadda: Filimka soo bandhigay musuqa iyo ka ganacsiga keliyaha dadka

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Habeenkii Jimcaha, waxa lagu qabtay dhacdo aan horay loo arag—bandhigga filim ay u soo daawasho tageen in ka badan laba kun oo dhallinyaro Soomaaliyeed, taasoo calaamad u ahayd rajada iyo soo nooleynta farshaxanka iyo dhaqanka Soomaalida.

Muuqaalka filimka ee Shabakadda, oo muujinaya bandhigga filim geesinimo leh oo ay soo saartay kooxda Masrax Production, kaassoo ka hadlayey dhibaatooyinka bulshada ee dalka ku jira sida musuqmaasuqa, ka ganacsiga xubnaha jidhka bani’aadamka iyo ku xad-gudubka awooda.

Filimku wuxuu ka hadlayaa dhibaatooyin xanuun badan oo ka dhashay dagaal sokeeye, argagixisnimo, iyo shabakad dembiilayaal ah, isagoo soo bandhigay xaalado dhab ah, taasoo dhalisay dood ku saabsan xaqiiqooyinka murugsan ee Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News