Muqdisho (KAAB TV) – Qarax nuuca miinada ah oo jugtiisa si weyn loo maqlay ayaa xalay ka dhacay xaafad katirsan deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, qaraxa ayaana ka dhex dhacay guri jiingad ah oo lagu dhax diyaarinayay.
Sidoo kale, wararku waxa ay intaas ku darayaan in goobta qaraxa ka dhacay ay markii dadka deegaanka iyo ciidamada ammaanka tageen ayaa loogu tagay labo nin oo ku geeriyooday qaraxa, kuwaa oo si weyn jirkooda ugu go’go’ay qaraxa la sheegay in ay diyaarinayeen.
Dhanka kale, Ciidamada ammaanka goobta tagay, ayaa baaritaanno ay sameeyeen ku ogaaday in ragga dhintay ahaayeen kuwii farsameenayay qaraxa ay ku dhinteen, lamana aqoonsan ilaa hadda shaqsiyada ragaasi geeriyooday, mana jiro wax war ah oo booliiska kasoo saareen qaraxaasi.
Marar badan ayey dhacday in sidaan oo kale ugu geeryoodaan xubno la sheegay in qaraxyo miino ku dhex diyaarinayeen guryo ay degnaayeen, waxaana dadkaasi la tilmaamay in shar ay dad masaakiin ah la damacsanaayeen in iyaga illaah ku ciqaabay.