Bari (KAAB TV) – Ciidamada howlgalka ciribtirka argagixisada Puntland, ayaa soo riday labo diyaaradood oo nuuca aan duuliyaha laheyn ah, kuwaas oo kooxda Daacish kusoo xireen qaraxyo kuna soo weerareen ciidamada howlgalka ka wada buuraha gobolka Bari.
Sidoo kale, Saraakiisha ciidamada difaaca maamulka Puntland, ayaa sheegay in ciidamada ku guuleesteen in ay soo ridaan labada diyaaradood ee Daacish bambooyinka kusoo xireen, waxa ayna saraakiisha ciidanka sheegeen in Daacish ku fashilantay in diyaaradahasi ku waxyeeleeyaan ciidamada.
Dhanka kale, taliska ciidamada Puntland, ayaa sheegay in ay hoos u dhaceen saacadihii lasoo dhaafay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee kooxda Daacish kusoo weerareysay ciidamada, waxa ayna sababta ku sheegeen in la wiiqay awoodii kooxda Daacish.
“Ciidanku waxay hada soo rideen 2 drone oo ay argagixisadu isku dayday in ay isticmaasho buuraha – Turmasaale. Tirada Droneska ay soo dirijireen 24kii saac ayaa hoos u dhacday taasi oo muujinaysa awoodoodu in ay laciiftay” ayaa lagu yiri Warka Taliska Ciidamada Puntland.
Sikastaba, ciidamada difaaca Puntland, ayaa horey marar badan usoo riday gacanta ku dhigay diyaarado badan oo Daacish qaraxyo bambaano kusoo rareen, waxa ayna Daacish hadda u muuqdaan kuwa ku fashilmaya adeegsiga diyaaradaha ay qaraxyada ku xirayaan.