SO | EN

SO | EN

Kooxda Daacish oo ukala jabtay Ajaaniib iyo Soomaali & Wararkii ugu dambeeyay

|

Garoowe (KAAB TV) – Ilo amni ayaa xaqiijinaya in kooxda Daacish laba garab u kala jabtay, tan iyo intii ciidamada Puntland ka qabsadeen difaacii adkaa ee Turmasaale.

Sidoo kale, Wararka ayaa intaas kudaraya in Taliskii guud ee mileeshiyaadka Daacish uu kala daatay, kaddib markii laga saaray Turmasaale, taasi oo sababtay in ay istiraatiijiyadda dagaalka isku khilaafaan xubnihii kooxda u qaabilsanaa hoggaanka mileeshiyaadka hubaysan.

Dhanka kale, Saraakiisha ajnabiga ah ee kooxda ayaa soo jeediyay in la sameeyo weerarro habeenkii ah iyo in godadka laga baxo qaraxyo lagu xiro, balse marnaba aan la gelin dagaal toosa oo khasaaro badan kaga imaan karo.

Waxaase si adag uga horyimid xubno Soomaali ah oo intooda badan ka soo jeeda Puntland, waxayna soo jeediyeen in dagaal toosa lala galo ciidamada, taasi oo shaki xooggan ku abuurtay kooxdii ajnabiga ahayd, sida ay tilmaamayaan xogaha amni.

Intaasi kaddib, waxaa la sheegaya in ay laba garab noqdeen hoggaankii dagaalka u qaabilsanaa kooxda, kuwaasi oo u kala baxay Soomaali iyo ajaanib, waxaana labada kooxood badan ajaanibta dibadda ka yimid.

Ugudambeyntii, kooxda ajaanibta ah ayaa go’aansatay in ay bilaabaan weeraro gaadmo oo habeenkii u badan iyo in ay saldhigyada ay ka baxaan miineeyaan, balse aysan dagaal toosa gelin.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News