SO | EN

SO | EN

Sargaal katirsan ciidanka AUSOM oo diinta ku qaatay deegaanka Lambarkonton

|

Lambarkonton (KAAB TV) – Sargaal katirsan ciidanka nabbad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AUSSOM kana soo jeeda dalka Uganda, ayaa deegaan katirsan gobolka Shabeelaha Hoose ku qaatay diinta Islaamka, kaddib markii uu ku qancay macaanida diinta Islaamka.

Sidoo kale, Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Sheekh Abuukar Maxamed iyo saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee ku sugan deegaanka Lambarkonton ee gobolka Sh/Hoose, ayaa ashahaadka u qabtay Korneyl ka tirsan Ciidamada AUSSOM .

Dhanka kale, Sargaalkan katirsan ciidanka nabbad ilaalinta u jooga Soomaaliya, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu qaatay diinta Islaamka, waxa uuna xusay in uu go’aankan qaatay kaddib markii uu ku qancay diinta Islaamka uu tilmaamay in ay tahay mid naxariis badan.

Sikastaba, Afhayeenka ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo saraakiisha kale ee ciidanka, ayaa sargaalkan kusoo dhaweeyay diinta Islaamka uu qaatay, waxa ayna tilmaameen in uu yahay nin nasiib badan oo maanta ilaah waafajiyay in uu islaamo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News