SO | EN

SO | EN

Wasaaradda Warfaafinta Puntland oo Warbaahinta ka mamnuucday in ay tagaan Furimaha

|

Garoowe (KAAB TV) – Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Puntland, ayaa lagu mamnuucay in Warbaahinta iyo wariyaasha fasax la’aan tagaan furumaha hore ee dagaalka, gaar ahaan Buuraha Calmiskaad.

Sidoo kale, Wasaaradda ayaa sheegtay in aysan warbaahinta kala duwan faafin karin xog ku saabsan dagaalka u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo kooxda Daacish ee ka socda buuraha Calmiskaad, xogtaas oo aan si rasmi ah uga soo bixin dowladda.

Dhanka kale, Amarkan kasoo baxay Wasiirka Warfaafinta Puntland, ayaa imaanaya xilli wariyaal iyo dad baraha bulshada caan ka ah tageen furumaha hore ee dagaalka kuwaa oo muuqaalo kasoo duubay ciidanka iyo saraakiisha dagaalka hoggaamineysa.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News