SO | EN

SO | EN

Ciidanka amaanka degmada Xarardheere oo gacanta ku dhigay nin oday ah qaraxyo waday

|

Xarardheere (KAAB TV) – Ciidanka ammaanka ee degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, ayaa gacanta ku soo dhigay nin oday ah oo lagu eedeeyay in uu qaraxyo magaalada soo galinayay.

Sidoo kale, Saraakiisha ciidanka ee ku sugan degmada Xarardheere ayaa sheegay in laga shakiyay Tarmuusyo iyo agabyo kale uu waday ninkan, waxaana baaris kaddib laga helay agabkaasi qaraxyo lagu soo qariyay.

Dhanka kale, Ninkan ciidamada ammaanka qabteen oo lagu magacaabo Abuukar Illey, waxaana la sheegay ninkan in horey looga shakiyay looguna xiray xabsiga magaalada Xarardheere, ayaa markii dambe qaab damiin ah lagu siidaayay.

Sikastaba, laamaha ammaanka degmada Xarardheere, ayaa hadda baaritaanno dheeraad ah ku sameenaya ninkan qaraxyada loo soo dhiibay, waxa ayna saraakiisha baarayaan cidda usoo dhiibtay qaraxyada iyo cidda lala damacsanaa in lagu dhibaateeyo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News