SO | EN

SO | EN

Xildhibaan Cabdirxam cabdishakuur oo baarlamaanka ugu baaqay in xilka katuuraan Xamse

|

Muqdisho (KAAB TV) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay xaalada adag ee xilliggan dalka ku jiro, xilli ay shacabka Caasimadda Muqdisho wajahayaan xaalad dhaqaale xum oo aad u baahsan iyo barakicin dowladda kala kulmayaan.

Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa xusay in xaaladda dalka ay kasii dareyso maalinba maalinka ka danbeeya, waxa uuna xusay qorshaha dowladda ku dooneyso qabashada doorasho qof iyo cod ah aysan aheyn mid sax ah, balse dowladda ku rabto muddo kororsi sharcidarro ah.

”Xaaladda dalka waa ka sii deraysaa maalinba maalinka ka danbeeya. Shacabka waa u caddahay in halhayska doorasho qof iyo cod ah uu yahay hadal xaq ah, laakiin muddo kororsi loola jeedo. Tani waa isku day sii fogaynaya mucaaradka iyo maamullada horay u diiday muddo kororsiga” ayuu yiri CC Warsame.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa sidoo kale sheegay xaalada kasii dareyso ee dalka ey  abuuri karto kacdoon ay sameeyaan dadka shacabka, waxa uuna xusay in shacabka la isugu daray barakicin iyo boob iyo sidoo kale canshuuro xad-dhaaf ah oo lagu soo rogayo.

Dhanka kale, Baarlamanaka ayuu ugu baaqay in uu qaado tallaabo uu kalsoonida kala laabanayo Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, si loo helo Ra’isul Wasaare cusub oo awood u leh joojinta boobka xoolaha iyo barakicinta.

”Si looga hortago burbur buuxa, waxaa muhiim ah in Baarlamaanka uu tallaabo qaado oo kalsoonida kala noqdo xukuumadda. Ra’iisul Wasaaraha cusubna uu sanadka harsan joojiyo barakicinta, baadda iyo boobka dhulka dowladda, lana xaajoodo mucaaradka iyo maamul goboleedyada, si loogu heshiiyo doorasho isku dhaf ah oo ku dhisan nidaamka awood qaybsiga 4.5 iyo codbixin toos ah” ayuu yiri Xildhibaanka.

Sikastaba, hadalka xildhibaanka ayaa kusoo aadaya xilli dalka uu galay xaalad adag oo dhinaca dhaqaalaha, sidoo kale dowladda dad badan ka barakcisay dhulkii danta guud ay degnaayeen, iyadoona dhulkaasi la sheegay in dowladda ka iibisay ganacsato Soomaaliyeed.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News