Hiiraan (KAAB TV) -Oday 102 jir ah ayaa maleeshiyo beeleed ku dileen deegaanka Halfooley, ee gobolka Hiiraan ee Soomaaliya, iyadoo maamulka iyo dadka deegaanka ay ku tilmaameen weerar aargoosi ah oo xiriir la leh aanooyin qabiil.
Marxuumka la dilay, ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Guudlaawe Cumar Guuleed, waxaana uu ahaa hogaamiye bulsho oo si weyn looga yaqaanay deegaanka Halfooley oo hoostaga degmada Jalalaqsi. Ilo deegaanka ah ayaa xaqiijiyay in geerida Guuleed ay qeyb ka tahay muran soo jireen ah oo ku saabsan lahaanshaha dhulka iyo daaqsinka ee u dhaxeeya beelaha Xawaadle iyo Abgaal oo ah labo kooxood oo soo jireen ah muran dhuleed.
Saraakiil iyo dad goob joogayaal ah ayaa ku waramay in dableyda dilka geysatay ay ka soo jeedaan gobolka Shabeelaha Dhexe. Kooxda weerarka soo qaaday ayaa la sheegay in ay bartilmaansadeen Guuleed, taasoo qeyb ka ah fal aargoosi ah oo ka dhashay khilaaf beeleedyo aan weli xal laga gaarin. Dhacdadaan ayaa naxdin iyo murugo ku abuurtay deegaanka Halfooley iyo deegaanada ku dhow dhow, iyadoo dadka deegaanka ay ka cabsi qabaan in rabshado kale dhacaan.
Dilkan ayaa ku soo aadaya iyadoo xiisado colaadeed ay ka taagan tahay gobolkaasi, iyadoo muran ka dhashay dhul daaqsimeed ku yaalla xuduudka ay wadaagaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, ay sii huriyeen dagaal beeleedyo. Bilihii la soo dhaafay, colaadda ayaa sii xoogeysatay, taasoo keentay dhowr dhacdo oo gacan ka hadal ah iyo walaac isa soo taraya oo ay bulshada deegaanka ka qabaan aargoosi suurtagal ah.
Madaxda bulshada iyo maamulka deegaanka ayaa cambaareeyay dilkan, waxayna ku baaqayaan in dowladda ay si deg deg ah u soo farageliso xiisadda colaadeed, loogana hortago dhiig kale oo daata. Ciidamada ammaanka ayaa lagu soo waramayaa inay bilaabeen baaritaan ay ku doonayaan inay ku soo qabtaan raggii falkan geystay, balse ilaa maanta oo Talaado ah ma jirto cid loo soo qabtay falkaasi.
Geerida Guudlaawe Cumar Guuleed ayaa iftiimisay caqabadaha joogtada ah ee Soomaaliya ka wajaheyso wax ka qabashada colaadaha ku saleysan qabiilka, gaar ahaan gobollada ay helista dhul daaqsimeedka iyo kheyraadka ay weli yihiin isha ugu daran ee colaadda. Dadaalka dib-u-heshiisiinta qaranku waxa ay xuddun u ahaayeen hindisayaashii dawladda ee u dambeeyay, laakiin dhacdooyinkan oo kale waxa ay muujinayaan dhibaatooyinka ka jira sidii nabad waarta loo heli lahaa.
Dowladda ayaan weli war rasmi ah ka soo saarin dilkan, balse odayaasha iyo waanwaanta labada beelood ayaa lagu soo waramayaa inay wadaan waan waan nabadeed oo lagu qaboojinayo xiisada.