New York (KAAB TV) – Maamulka Trump ayaa sheegay in mar kale xirayaan oo aanay shaqayn doonin xarunta dhexe ee Hay’adda Gargaarka Caalamiga ah ee Maraykanka (USAID) ee ku taalla bartamaha Washington DC, taasoo ka dhigan in shaqaalaha hay’adda laga hor istaagi doono inay galaan xarunta maalintii labaad iyadoo la qorsheynayo in hay’addan la xiro gabi ahaanba.
Xoghayaha arrimaha dibadda Marco Rubio ayaa wariyeyaasha u sheegay inuu haatan yahay madaxa ku-meel-gaarka ah ee Hay’adda Gargaarka Caalamiga ah ee Maraykanka (USAID), taasoo bixisa balaayiin doolar oo gargaar ah adduunka dacalladiisa.
Sharci-dejiyeyaasha xisbiga Dimuqraadiga ayaa arrintan ku tilmaamay mid sharci-darro ah oo ka hor imanaysa dastuurka, iyagoo sheegay inay dhaawici doonto dadka saboolka ah ee caalamka, halis gelin doontana amniga qaranka, isla markaana yarayn doonto saameynta Maraykanka ee heer caalami.


