Congo (KAAB TV) – Mid kamid saraakiisha Qaramada Midoobay ee ku sugan dalka Jamhuuriyadda Dimqoraadiga ee Congo ayaa Arbacadi shalay sheegay, in ku dhawaad 3,000 oo qof lagu dilay dagaalki dhawaan ka dhacay magaalada Goma ee bariga dalkaasi.
Sidoo kale, dagaalka ayaa u dhaxeeyay kooxda fallaagada ee ay taageerto Rwanda ee M23 iyo ciidanka millatariga Congo, waxana uu marki hore ka billowday hareeraha Goma oo ku taalla gobolka macdanta hodonka ka ah ee Kivu.
Dhanka kale, Vivian van de Perre, ku xigeenka madaxa howlgalka Qaramada Midoobay ee Goma, ayaa iyada oo wariyaasha kula hadleysa muuqaalka tooska ah ee fogaan aragga sheegtay, in xubnaha Qaramada Midoobay ee Goma ay si firfircoon uga caawinayaan M23, soo ururinta meydadka wali yaalla waddooyinka.
Waxay sheegtay in ilaa iyo hadda la helay ilaa 2,000 halka meydadka 900 oo kale ay ku jiraan filinjeerrada isbitaallada.
Sikastaba, dowladda Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo ayaa ku eedeysay Rwanda in ay tageero buuxdo siiso jabhadda M23, lakiin Rwanda ayaa ku gacan seyrtay arrintaasi.