Wajeer (KAAB TV) – Madaxweynaha Kenya William Ruto, ayaa ballanqaad ay ku farxeen Soomaalida kunool dalka Kenya sameeyay, kaddib hadal uu ka jeediyay magaalada Wajeer ee gobolka waqooyi bari dalka Kenya.
Sidoo kale, madaxweyne Ruto ayaa shaaciyay in xukuumadiisu ay joojin doonto baaritaanka adag ee lagu sameeyo dadka doonaya inay qaataan kaarka aqoonsiga muwaadinnimada Kenya, taas oo dhibaato badan ku qabeen muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Kenya kunool.
Dhanka kale, William Ruto ,ayaa ballanqaaday in dadka Soomaaliyeed ee ku nool Xuduudda Kenya ay hadda ka dib si fudud u heli doonaan adeegyada muhiimka ah ee dowladda Kenya bixiso.
Ugudambeyn, dadka doonaya in ay qaataan kaarka aqoonsiga ee muwaadinnimada Kenya ayaa mara nidaamka baaritaanka dadka, waxa uuna nidaamkan jiray muddo 60 sanno gaaraysa, arrintaasoo Soomaalida Kenya iyo xildhibaannada ay aad u dhaliili jireen, iyagoo doonayey in wax laga beddelo.