SO | EN

SO | EN

Markab sirdoon oo uu leeyahay Ruushka uu ku gubanaaya Badda Mediterranean-ka ee Suuriya

|

Suuriya (KAAB TV) – Markab sirdoon oo uu leeyahay Ruushka ayaa ku gubanaya badda Mediterranean-ka ee ku dhow Suuriya waxaa la arkay markabkan lagu magacaabo Kildin oo uuro iyo dab is qabsaday, iyadoo shaqaalaha la socda ay diiddeen inay ka jawaabaan iskuday maraakiib NATO ah ay ku doonayeen inay u gurmadaan, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP.

Sidoo kale, Markabka Kildin, waxaa ku xiran tiknoolajiyad electronic ah oo lagu basaaso isgaarsiinta iyo dhaqdhaqaaqyada kale, wuxuuna ku jiraa dhowr markab oo ay si weyn isaga ilaaliyaan dalalka reer galbeedka, sabab la xiriirta cabsi ay ka qabaan inuu dhex gelo shabakadahooda isgaarsiinta, internetka iyo tamarta.

Dhanka kale, Markabkan wuxuu leeyahay nidaam uu ku fulin karo weerarro electronic, sida inuu hawada ka saari karo korontada ama lagu fulin karo qaraxyo ka dhasha korontada oo ay u dheertahay joojinta kaaba yaasha electronic oo ay ku jiraan tareennada iyo gaadiidka dadweynaha.

Sikastaba, ma jirto wax war ah oo kasoo baxaya dhanka dowladda Ruushka oo ay ka soo saareen xaaladda markabkan oo aan la garanayn ciladda uu wajahayo halka ay uga timid, waxaa la filayaa in Ruushka war kasoo saaraan Markabkan dabka qabsaday.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News