SO | EN

SO | EN

Deeq horumarineed oo ka timid dhanka Imaaraadka Carabta oo soo gaartay Boosaaso

|

Boosaaso (KAAB TV) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa deeq laami ah oo loogu tala galay in lagu dhiso waddada xariirisa deegaanka Ceel-Daahir iyo magaalada Ceyrigaabo soo gaarsiisay magaalada dekada leh ee Boosaaso xarunta gobolka Bari.

Sidoo kale, labo markab waa weyn oo waday laamigan loogu dereqay maamulka Puntland ayaa mid kamid ah kusoo xirtay dekadda magaalada Boosaaso, waxaana laamigan lagu dhameestirayaa dhismaha waddadan Ceel-Daahir ka bilaabata oo dhismaheedu socdo.

Dhanka kale, dowladda Imaaraadka Carabta oo xiriir wannaagsan kala dhaxeeyo maamulka Puntland, ayaa marar badan soo gaarsiisay deeqyo kala duwan maamulkaasi, waxa ayna Imaaraadka gacan ka geesanayaan mashaariicda horumarineed ee ka socda deegaannada Puntland qaarkood.

Sikastaba, xukuumadda madaxweyne Deni ayaa ku guuleestay dhismaha waddooyin badan oo muhiim u ah bulshada ku dhaqan magaalooyin badan oo katirsan Puntland, waxaana hadda socda dhismaha waddooyin kale oo cusub.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News