GAROWE (Kaab TV) – Dowladda Puntland ayaa si cad u diiday hadallo uu dhawaan jeediyay Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, kaasoo ku baaqayay in Falastiiniyiinta loo raro degaannada Puntland, oo ah maamul goboleed ku yaalla waqooyi-bari Soomaaliya.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Puntland ayaa lagu caddeeyay in maamulka uu ixtiraamayo xuquuqda Falastiiniyiinta ee ah inay si nabad iyo xasillooni leh ugu noolaadaan dalkooda. Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa yiri:
“Puntland waxay ixtiraamaysaa xuquuqda reer Falastiin u leeyihiin inay si nabad ah ugu noolaadaan dalkooda.”

Warkan wuxuu imaanayaa kadib markii Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta Puntland, Yacquub Cabdalle, uu wareysi siiyay wargeyska The Daily Telegraph, oo uu kaga hadlayay in Puntland ay soo dhoweyn karto Falastiiniyiinta la dejinayo halkaas.
Si kastaba ha ahaatee, Wasiir Dirir ayaa sheegay in hadalka Wasiir Ku-Xigeenka uu ahaa aragti shaqsi ah, oo uusan ka tarjumayn mowqifka rasmiga ah ee Puntland. Puntland waxay hoosta ka xarriiqday in aysan qeyb ka noqon doonin wax qorshe ah oo lagu rarayo Falastiiniyiinta.
Wararka la xiriira arrintan ayaa si weyn ugu faafay warbaahinta caalamiga ah, gaar ahaan warbaahinta reer Galbeedka iyo tan Israa’iil.